Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro isugu jira qaraxyo iyo dagaallo toos ah ka fuliyeen qaybo ka mid ah wilaayada shabeellada hoose ee dhacda koonfurta Soomaaliya.
Weeraro isugu jira qarax iyo kammin waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen kolonyo ka tirsan ciidamada kuffaarta Yugaandha xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa Golwayn iyo degmada Buulo mareer.
Kolonyadan Afrikaanta ee lagu weeraray Sh/hoose waxay sahay u sideen saaxiibbadooda ku go’doonsan degmada Buula mareer, waxayna ilo wareedyadu sheegayaan inay kasoo kicitameen deegaanka Golweyn ee Sh/hoose.
Inta la ogyahay waxaa ciidamada Yugandha halkaasi looga dilay hal askari iyo dhaawaca labo kale, ilo wareedyadu waxay intaas ku dareen in askari murtad ah oo lagu magacaabo Maxamed Dheere tarjumaanna u ahaa ciidamada Yugandha uu isna dhaawac ku noqday weerarka.
Weerarradan isugu jira qaraxyada iyo kammiinka waxa ay kusoo beegmayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay weeraro xooggan lagu miray saldhigyada maleeshiyaadka Soomaalida murtadiinta ay ka samaysteen qaybo ka mid ah shabeellada hoose.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com