Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Ridada Soomaaliya.
Rag ku hubeysan hubka fudud oo ka tirsan ciidamada shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan katiibada Max’med Ibnu Maslama waxay howlgalkan gaarka ah ka fuliyeen gudaha degmada Dharkeeynley ee magaalada Muqdisho waxayna ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaakda loogu yeero Gorgor ee dowladda federaalka.
Askarigan waxa uu si gaar ah ula howlgali jiray maleeshiyaadka guutada 7-aad ee maleeshiyaadka la magac baxay Cabdirisaaq Kartan.
Dhanka kale qaraxyo xooggan waxay saacadihii lasoo dhaafay ruxeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, qaraxa koowaad waxay Mujaahidiintu ku weerareen fariisin maleeshiyaad ka tirsan Rdiada ay ka samaysteen isgoyska fureyaasha ee degmada Wardgiigle.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijiyeen qaraxaas ay dhaawacyo kala duwan ku noqdeen saddex askari oo murtadiin ah.
Qaraxa labaad waxay Mujaahidiintu ku weerareen fariisin ciidanka kooxda Ridada Farmaajo ka samaysteen degaan lagu magacaabo Macaane oo ka mid ah degaammada dhaca duleedka magaalada Muqdisho kuna yaal waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Qaraxyadan waxay kusoo beegmayaan xilli camaliyad Istish-haadi ah saacadihii lasoo dhaafay uu mujaahid ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta xarakada shabaabul Mujaahidiin uu ku weeraray goob isku imaatin u ahayd maleshiyaadka Ridada oo kutaal agagaarka xarunta sirdoonka xukuumadda Ridada ee magaalada Muqdisho waxaana camaliyadaas ku dhintay inka badan 17 askari oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa sirdoonka. milatariga iyo booliska Ridada halka inka badanna ay ku dhaawacmeen.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com