Ciidamada guutada qaraxyada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo qarax ah ku beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga sugnaayeen degmada Luuq, waxaana halkaas ku dhaawacmay 3 askari oo murtadiin ah.
Dhanka Bay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar qarax ah la eegteen guri uu magaalada Baydhaba ee xarunta gobolkaasi ka daggan yahay guddoomiye ku xigeenka Riddada ee Baydhaba, howlgalka ayaana Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar isugu jira dagaal toos ah iyo duqeyn la beegsadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ka degganyihiin deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, lama helin faahfaahin ku aaddan khasaaraha ka dhashay dagaalka tooska ah iyo madaafiicda lagu beegsaday murtadiinta.