Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho ayaa lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaas oo si gaar ah uga tirsanaa Boolis Militaaro, waxaana qaraxaasi inta la hubiyay ku dhaawacmay ilaa 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka Sh/dhexe, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Buurane ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan Kuffaarta Burundi, qaraxa ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana qaraxaasi ku dhintay hal askari, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
Howlgalladan qaraxyada ah ee ka kala dhacay wilaayaadka Banaadir iyo Sh/dhexe, ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal culus ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta xabashida Itoobiya ka degganyihiin degmada Diinsoor ee wilaayada Baay.