Kaddib markii maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen dilalka ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa, ayay qaar ka mid ah ganacsatadu albaabada isugu dhufteen xarumahooda ganacsi.
Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ayaa sheegaya in maalintii 3-aad oo xiriir ah ay xiranyihiin xarumaha ganacsi ee Soomaalidu ku leedahay deegaanno hoostaga magaaladaasi, Philippi, Nyanga iyo Khayelitsha.
Waxay tani ka dambeysay markii muddo 48 saac gudahood kooxo burcad ah oo u dhashay dalkaasi ay dilal iyo dhaawacyo u gaysteen ilaa lix xubnood oo ganacsato Soomaaliyeed ah, kuwaasoo xarumo ku lahaa degmooyin ka tirsan magaalada Cape Town.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in ganacsatadu Booliiska u gudbiyeen cabasho ka dhan ah dilalka iyo boobka sida gaarka ah loogu hayo dadka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in Booliiska lagu eedeeyo in dhibaatadan joogtada ah uu qayb ka yahay.
Dhanka kale, waxay ganacsatada Soomaaliyeed ee xarumaha ku leh dalkaasi wadaan abaabul mudaaharaad ah oo looga soo horjeedo dilalka iyo dhaca loo gaysanayo ganacsatada, kuwaas oo lagu wado inay ka dhacaan qaybo ka mid ah dalka Koonfur Africa.