Ilo-wareedyo kala duwan oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegaya in la diyaariyey qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, kaas oo la filayo inuu dhaqan galo isla maanta haddii dhinacyadu isku raacaan .
Xogaha ayaa tibaaxaya in Pakistan ay diyaarisay qorshahan, isla markaana loo gudbiyay labada dhinac habeenkii xalay. Qorshahan ayaa ku dhisan laba marxaladood oo kala ah: in marka hore si degdeg ah loo joojiyo xabbad-joojinta, kadibna loo gudbo heshiis dhammeystiran oo lagu xallinayo khilaafka.
Qorshaha heshiiska kama dambaysta ah ayaa la sheegay inuu ka koobanyahay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in Iran ay ka tanaasusho hubka nukliyeerka, in laga qaado cunaqabateynta saaran, iyo in dib loo siidaayo hantideeda la xayiray. Sidoo kale, qorshuhu wuxuu horseedi doonaa in si degdeg ah dib loogu furo marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Sida laga soo xigtay Reuters, haddii la gaaro heshiis hordhac ah maanta, waxaa la qorsheynayaa in heshiis buuxa lagu dhameystiro muddo u dhaxeysa 15 ilaa 20 maalmood gudahood.
Dhanka kale, taliyaha ciidanka Pakistan Caasim Muniir ayaa la sheegay inuu xiriirro kala duwan la sameeyay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin ku-xigeenka madaxweynaha Mareykanka J.D. Vance, ergayga Mareykanka Steve Witkoff, iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi, si loo fududeeyo wada-hadallada.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Pakistan ay noqotay marinka kaliya ee isgaarsiineed ee labada dhinac, iyadoo la filayo in kulamada ugu dambeeya ee fool-ka-foolka ah lagu qabto caasimadda Islamabad.