Ugu yaraan Saddex ruux ayaa dhimatay tiro kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada Amaanka iyo dadka deegaanka ay ka dhaceen magaalada Hawasa ee dhacda Konfurta Dalka Itoobiya, Sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee magaaladaasi.
Iska hor imaadyadan ayaa yimid ka dib markii kacdoon hubeysan sameeyey qabiilka la yiraahdo Sidama ee dega magaaladaas kuwaas oo doonaya inay ku dhawaaqaan maamul goboleed ay leedahay Qowmiyadooda.
Rabshado ballaaran ayaa ka dilaacay magaalada Hawasa ka dib markii ay ciidamada amaanka isku dayeen inay raafaan taageerayaasha iyo xubnaha mucaaradka ee qowmiyada Sidama balse rabshada ayaa maalma ka hor naxuusay ka dib markii uu mucaaradka dib u dhigay ku dhawaaqista maamulka cusub, ayna aqbaleen dalabaad kaga yimid xukuumada oo ku aadanaa in afti laga qaado dadweynaha muddo Shan Bilood gudahood ah.
Laakiin iska horimaadyada ayaa dib u soo laba kacleeyey ka dib markii qaar ka mid ah mucaaradka ay ku gacan seyreen talaabadaasi sida ay sheegayaan xubno ka tirsan saraakiisha Amniga.
Dadka qaar ayaa sheegaya in maamul goboleedka ay raadineyso qowmiyada Sidama ee degta magaalada Hawasa uu ka duwan yahay Sagaalka Maamul Goboleed ee hadda ka jira wadanka ee hoostaga xukuumada Federaalka ah ee ka jirta dalkaas, ayna doonayaan in maamulkooda uu ka madax banaanaado Itoobiya inteeda kale.
Marka laga hadlayo magaalada Hawaasa dhamaan dadweynaha iskuma raacin in la dib dhigo ku dhawaaqista maamulka, waxaana magaalada ka jirta xiisad kacsanaan iyadoo inta badan goobaha ganacsiga ay xiran yihiin.
Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Abey Axmad waxaa aad u sii kordhay rabshadaha, Colaadaha sokeeye iyo khilaaf hoosaadka hareeyey Qowmiyadaha dalka Itoobiya, waxaana wadanka ka taagan khalalaaso amni iyo mid siyaasadeed oo xoogan.
Ugu yaraan Sagaal Qowmiyadood oo kale ayaa la sheegay inay doonayaan inay ka go’aan Itoobiya inteeda kale ay sameystaan maamul goboleed iyaga u madax banaan, taas oo sii hurin doonta xiisadaha ka dhex ololsan Qowmiyadaha Dhexdooda