Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Rassaas Ka Dhacday Addis-ababa Iyo Maamulka Abiy Axmed Oo Duqayn Ku Dilay Askar Laga Qabtay.
  • Allposts
  • Warar

Rassaas Ka Dhacday Addis-ababa Iyo Maamulka Abiy Axmed Oo Duqayn Ku Dilay Askar Laga Qabtay.

December 10, 2024

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rassaas ka dhacday magaalo madaxda Itoobiya ee Addis-ababa, taasi oo la sheegay inay fureen askar ka goosatay jabhadda Xoraynta Oromia oo ay caasimadda geysay dowladda uu ra’iisul wasaaraha ka yahay Abiy Axmed.

Maleeshiyaadkan oo ka mid ahaa garabyada jabhadda OLA ayaa la sheegay inay heshiis nabadeed la galeen dowladda Itoobiya, waxaana lagu daabulay magaalada Addis-ababa ee caasimadda ah, halkaas oo ay ka gaysteen qas iyo rabshado sida ay kusoo warameen dadka deegaanka.

Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in dhacdadaasi la diiwaan geliyay maalintii Axadda, waxayna gallaafatay nolasha haweeney rayid ah, maleeshiyadan ayaa sidoo kale la wariyay inay tuurayeen bamooyin, taasi oo argagax iyo kala carar ka abuurtay caasimadda Itoobiya.

Dhanka kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqeyn ay ka geysteen mandiqadda Gojjam ee ka tirsan ismaamulka Amhara waxaa lagu dilay askar ka tirsan ciidamada millatariga dowlada, kuwaas  oo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay deegaankaasi oo u dhaxeeyay Fano iyo ciidamada daacadda u ah Abiy Axmed.

Asres Mare, oo ah madaxa qeybta siyaasadda ee Goojam u qaabilsan Faano, ayaa sheegay in askartan ka tirsan dowladda xabashida, la duqeeyay xilli la siinayay cuno iyo qaxwo, halkaas na ay ku dhinteen.

Waxay duqayntan kusoo beegmaysaa xilli dowladda Itoobiya labadii bilood ee la soo dhaafay ay sii xoojisay weerarada diyaaradaha Drones-ka ah ee ay ka gaysanayso deegaano badan oo ka tirsan Ismaamulka Axmaarada, jabhadda Fano waxay sheegtay in maamulka Abiy Axmed xoojiyay duqeymaha dhanka cirka ah, gaad ahaan diyaaradaha Drones-ka, kuwaas oo yimid markii looga adkaaday dagaallada dhanka dhulka ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1446-Hijri.

Related Stories

Weerar Askari Lagu Khaarajiyay Oo Ka Dhacay Afgooye.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Askari Lagu Khaarajiyay Oo Ka Dhacay Afgooye.

March 4, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-09-1447-Hijri

March 4, 2026
Dhagayso Xalqada 10-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Xalqada 10-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.

March 4, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada