Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaaladan Muqdisho ka da’ay roobab xoogan oo siweyn ay ugu diirsadeen dadka iyo duunyada.
Roobabkan xoogan ayaa dhanka kale sababay khasaara kala duwan oo naf iyo maal ah, Waxeyna Biyaha Roobka sidoo kale xireen waddooyin dhowr ah kuwaasi oo markii hore burbur uu ka jiray.
Labo ruux ayaa ku dhimatay dad kalane waxyeelo ayaa soo gaartay kadib markii saameyn xoogan ay ku yeesheen Roobabka iyo daadka ka dhashay.
Gaadiid badan oo kuwa dad weynaha ah oo u badan Mooto Bajaaj ayaa ku damay bartamaha wadooyinka kadib markii ay ka tan badiyeen daadadka ka dhashay roobka da’ay.
Degmada Boondheere waxaa dumay dhismo degmadaasi ku yaala waxeyna arintaan qeyb ka tahay khasaaraha hantiyadeed ee uu sababay roobabka xoogan ee ka da’ay magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.