Roobabka xilliga Gu’ga ayaa ka curtay deegaano kala duwan oo ka tirsan deggaannada lagu maamulo shareecada oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Gobollada ay roobabkani ka da’een waxaa ka mid ah Hiiraan, Bakool, Baay, Jubbada dhexe, Jubbada hoose Iyo Gedo.
Magaalooyinka uu sida gaarka ah uga hooray waxaa ka mid ah Buq’aqable, Deegaano u dhaxeeya Garasweyne iyo Rabdhuure.
Sidoo kale roobabkani waxay ka da’een deegaano hoostaga degmada Bardaale, Jilib, Bu’aale, iyo deegaano hoostaga degmada Badhaadhe.
Waxa kale oo lasoo weriyey in roobab biyo-dhigay meelaha qaar oo waraha buuxiyay uu ka dagay deegaano u dhaxeeya Gadoon dhawe iyo Yaaqle oo ka tirsan Gedo.
Waxaa intaas sii dheer in deegaanka Buusaar iyo deegaanno hoostaga degmada Baardheere ay ka da’een roobab lagu qabowsaday.
Sidoo kale roobabkan oo bilawday xilli Ramadaan ah ayaa ka curtay deggaanno kale oo dhaca koonfurta iyo Waqooyiga dalka Soomaaliya,
Raxmaadkan Allaah uu ummaddiisa kusoo qaboojiyey ayaa kusoo aaday xilli abaar daran ay ka jirtay guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.