Dowladda Sucuudiga ayaa dekedda Berbera ku dartay liiska dekedaha muhiimka ah ay sida tooska ah ula macaamilayso ee caalamka, kadib war-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda maamulka dekedaha ee Sucuudiga.
Hay’addan sida ay wararku tibaaxayaan bilowday adeegyo cusub oo badeecadaha caalamka lagu qaadayo, kuwaas oo isku xiraya dekedaha Sacuudiga iyo 17 dekedood oo gobolka iyo caalamka ah, oo ay ku jirto Dekedda Berbera.
Talaabadan ayaa la sheegay in qayb ay ka tahay qorshe Sacuudigu ku doonayo inuu noqdo xarun caalami oo saadka ah, kaas oo ku xiran barnaamij ay ugu magac-dareen Vision 2030. Waxaanay adeegyadan cusub ay isku xirayaan dekedaha Sacuudiga iyo magaalooyinka waaweyn ee Aasiya iyo dalal kale.
Magaalooyinka waxa ka mida Qingdao, Shanghai, Ningbo, Nansha iyo Shekou ee Shiinaha, Singapore, Sokhna ee Masar, Aqaba ee Urdun, Nhava Sheva iyo Mundra ee Hindiya, Jabuuti, Berbera, Dekedda Xamad, Dekedda Umm Qasr, Dekedda Khalifa, Dekedda Shuwaikh iyo Dekedda Shuaiba.
Mawaani’ waxay sheegtay in wadooyinkan loogu talagalay in lagu hagaajiyo dhaqdhaqaaqa xamuulka, lagu yareeyo cadaadiska silsiladaha saadka, laguna siiyo fursado badan dhoofiyeyaasha iyo soo dejiyeyaasha, iyadoo la xoojinayo xiriirka wadooyinka ganacsiga ee muhiimka ah ee caalamka.
Dekedda Berbera oo lagu daray qorshan uu Sacuudigu diyaariyey ayaa ku taal Gacanka Cadmeed, waxaanay u dhow dahay marin-biyoodka Bab el-Mandebin oo ah mid ka mid ah wadooyinka maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka oo dhan.