Maamulka gumaytaha Yahuudda ayaa galabnimadii maanta duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay magaalada bayruut ee dalka Lubnaan, waxaana si gaar ah loo beegsaday guri ka kooban illaa Toban dabaq.
Gumeystaha ayaa sheegay in weerarkan duqeynta ah ay ku beegsadeen xubin sare oo ka tirsan ururka Shiiciga ah ee isugu yeerray Xisbullaah, iyagoo ka dhawaajiyey in mas’uulka la beegsaday lagu magacaabo Abuu Cali oo ah hogaamiyaha garabka militeri ee ururka, balse illaa hadda lama xaqiijin geerida ama noloshada mas’uulka la beegsaday.
Wararka horudhaca ah ayaa tilmaamaya in ay jiraan khasaare ka dhashay weerarka Yahuudda, waxaana la xaqiijiyay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca 25 qof oo ay ku jirto maamo waayeel ah, sida laga arki karo sawirro goobta laga soo qaadey.
Sawirrada ayaa sidoo kale laga dheehan karaa bur-burka dhismaha la beegsaday, waxayna duqeynta si gaar ah u beegsatay dabaqyada dhexe ee guriga, iyadoo weerarkan sidoo kale uu khasaare u geystay dhismayaasha dariska la ah dabaqa la beegsaday.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka Lubnaan, Jooziif Cown ayaa sheegay in weerarka Yahuudda ee magaalada Bayruut uu caddeyn u yahay sida maamulkan uu dhagaha uga furreytay baaqyadda isdaba joogga ee ku aadan joojinta xad-gudubyadiisa.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa lagu sifeeyay dhabar-jebin ka dhan ah ururka ay taageerto dowladda Iiraan, waxaase haatan filasho loogu jiraa sida ay weerarkan uga jawaab celin doonaan ururka isku magacaabay Xisbullaah.