War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda ridada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in xil ka qaadis lagu sameeyay taliyihii waxa loogu yeero Nabad sugida ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Sambaloolshe.
Kulan ay golaha wasiirrada kooxda Riddada ay Muqdisho ku yeesheen uuna guddoominayay Xamza Cabdi Barre ayaa xilkii uu hayay looga xayuubiyay Sanbaloolshe waxaana taliyaha cusub ee Ashahadda ladirirka loo magacaabay Mahad Salaad oo horay xilkan usoo qabtay.
Shaqa ka ceyrintan lagu sameeyay Sanbaloolshe ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay si aad ah loo hadal hayay, waxaana ceyrintiisa loo sababeynayaa guuldarrooyin isbarkaday sida weerarkii halista lagu geliyay murtad Xasan Gurguurte ee bishii Maarso ka dhacay agagaarka madaxtooyada iyo weeraro is xigxigay oo mujaahidiintu ay ku qaadeen xerada Xalane,garoonka diyaaradaha,madaxtooyada iyo dhowr camaliyaad oo ay udambeysay camaliyaddii Xerada Damaanyo.
Bilihii uu Sanbaloolshe ahaa taliyaha Sirdoonka kooxda Riddada ayay kooxdani wajahaday guuldarrooyin waaweyn waxaana la xasuustaa in mujaahidiintu ay degmooyin iyo deegaanno dhowr ah furteen isagoo isaga daba wareegaysanayay Aadan Yabaal iyo Moqakori.
Mahad Salaad oo hadda laga dhigay taliyaha ashahadda ladirirka kooxda Ridada ayaa isna la xusuustaa in xilligiisi ay dhaceen camaliyaad waaweyn oo ay mujaahidiintu dhegta dhiigga ugu dareen mujrimiintii hoggaaminaysay maleeshiyaadka Kooxda Riddada sida Xasan Tuurre, shataqeey iyo kuwa kale,waxaa sidoo kale lagu xusuustaa camaliyaatkii Jaalle Siyaad, Hotel SYL iyo Villa Roosa.