Khasaare xooggan ayaa ka dhashay qarax ka dhacay mid kamida magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxa sababay qaraxa.
Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 3 sarkaal oo American ah ay dhinteen kadib markii uu qarax ka dhacay xarun lagu tababaro booliska taasi oo kutaal magaalada Los Anjalis.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in sedaxda sarkaal ee qaraxa ku dhintay ay ahaayeen tababarayaal sarsare ayna lafajacsanyihiin waxa ka dhacay dugsiga tababarka Los Anjalis.
Baarayaasha Mareykanka ayaa ka gaabsaday in ay si rasmi ah usheegayaan waxa uu ka dhashay qaraxan iyagoo kusoo gaabsaday in ay wadaan aruurinta xogo dheeraad ah oo ku saabsan qaraxa.
Warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in jugta qaraxa laga maqlay dhowr xaafadood oo katirsan Los Anjalis balse ay adkaatay in lahelo xogta waxa qarxay.