Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Saraakiil Ciidan Iyo Khubaro Nukliyeer Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Tehran.
  • Allposts
  • Warar

Saraakiil Ciidan Iyo Khubaro Nukliyeer Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Tehran.

June 13, 2025

Waxaa aad isu soo taraya wararka la xiriira duullaan ballaaran oo ciidamada maamulka Yahuudda ay ku qaadeen gudaha Iiraan, kaasi oo lagu laayay saaraakiishii ugu sareysay ciidamada shiicada ee Iiraan iyo sidoo kale khubaro dhanka Nukliyeerka u qaabilsanaa dowladdaasi.

Weerarada oo dabcan isugu jiray mid cir iyo mid sirdoon ayay ciidanka maamulka Bin-yamin Netanyahu ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen hoggaanka ugu sarreeya ciidanka dowladda shiicada Iiraan oo kutaal magaalada Tehran ee caasimadda waddankaasi iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Afhayeen u hadlay militariga Yahuudda oo lagu magacaabo, Iifi Dafriin ayaa shaaciyay in duqaymahaasi ku beegsadeen in ka badan 100 bartilmaameed oo Iran ah, isagoo intaa sii raaciyay in 200 oo diyaaradood oo nooca kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen Yahuudda ay ka qeyb qaateen weerarka.

Duqaymaha maamulka sahaayinada Yahuuddu ay ka fuliyeen Tehraan waxay beegsadeen dhismeyaal kuyaal xaafado ka tirsan Tehraan oo ay degganyihiin saraakiisha ugu sarreysa ciidanka Iiraan, waxaana weerarkaasi dhanka cirka ah dhinac socday weerar kale oo ay fuliyeen xubnaha sirdoonka Yahuudda ee Muusaadka.

Weerarada oo Ra’iisul wasaaraha maamulka gumeystaha ee Netanyahu uu ka hadlay wuxuu sheegay inay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in lagu burburiyo barnaamijka Nukliyerka ee dalka Iiraan, warbaahinta Iiraan waxay xaqiijisay in weerarada Yahuuddu gallaafteen nolasha taliyaha ugu sarreeyay ciidamada qalabka sida ee shiicada Iiraan, Maxamad Baqeri, taliyaha guud ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ninka lagu magacaabi jiray Xusein Salaami, taliyaha xarunta difaaca dhulka ee ciidanka cirka Iiraan, Ghulam Cali Rashiid iyo ilaa saddex xubnood oo kale oo ka mid ah khubarada sare ee Nukliyeerka Iiraan, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Ridaa Dul-faqaari, Mahdi Dhahranji iyo Fariidoon Cabaasi.

Sidoo kale xubno muhiim u ahaa xukuumadda Tehran ayaa ku jira xaalad hubanti la’aan ah, waxaana ka mid ah Cali Shamkhani oo ah la taliyaha sare ee Cali Khumeyni, hoggaamiyaha Iiraan, kaas oo wararkii ugu horreeyay ay xaqiijiyeen in isaga oo dhaawac daran qaba la dhigay cisbtaal kuyaal Tehran, wallow warar dambe oo soo baxay ay sheegeen in la dilay oo uu weerarka ku baxay, waana shakhsi muhiim u ah hoggaamiyaha Iiraan iyo xukuumadda uu fadhigeedu yahay Tehran.

Xarumaha duqaymaha Yahuuddu beegsadeen waxaa ka mid ah xarunta lagu magacaabo Nadhanza ee Nukliyeerka Iiraan, hay’adda Tamarta Nukliyeerka Iraan ayaa sheegtay in weerarka xarunta lagu beegsaday uu sababay burbur soo gaaray qaybaha kala duwan ee xaruntaasi.

Marka laga soo tago weerarada dhanka cirka ah ee ay Yahuuddu ka gaysteen gudaha Iiraan, waxaa sidoo kale jira dilal qarsoodi ah oo ciidanka sirdoonka Yahuudda ee Muusaadka ka gaysteen bartamaha Iiraan sida uu xaqiijiyay channel-ka 12-aad ee gumeystaha oo soo xiganaya mas’uuliyiin.

Wargayska Haaretz ee ay Yahuuddu leedahay oo dhankiisa soo xiganeya ilo amni ayaa sheegay in Hay’adda sirdoonka gumeystaha Yahuudda ee Mossad ay Iran ka sameysatay saldhig ay ka hagaan diyaaradaha drone-ka ah ee loo adeegsado qaraxyada kuwaas oo la soo galiyay waddankaasi ka hor inta uusan billaaban weerarka.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dowladda Iiraan maanta la kulantay fashil wayn oo sirdoon iyo mid milatari, wallow  la sheegay inay Yahuuddu ku fashilantay inay gaarto xarunta  uu ka socdo horumarinta nukliyeerka Iran ee kutaal buuraleyda koonfurta caasimadda Tehran.

Iiraan ayaa diyaarado boqol ah u dirtay dhanka deegaannada Yahuuddu ay xoogga ku haysato, balse maamulka gumeystaha ayaa sheegay inay kusoo rideen hawada Ciraaq, Iiraan waxay ku goodisay inay bixin doonto jawaab celin, hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan ayaa si deg deg ah u magacaabay xilalka taliyeyaasha la dilay.

Duullaanka Yahuuddu ka billowday Iiraan ayaa durba sababay sicir dhanka shidaalka ah, Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay in ka badan 12% ka dib weerarkii Yahuudda, diyaaradaha rayidka ayaa dhanka kale ka weecday goobaha ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada millatari.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 17-12-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -17-12-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026
Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada