Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay maanta weerar culus ku qaadeen maleeshiyo murtadiin ah oo dhaqdhaqaaq ciidan oo ashahaada la la dirirnimo ah ka waday duleedka degmada Xudur ee wilaayada Bakool, halkaas oo murtadiinta khasaare culus lagu gaarsiiyay.
Weerarkan oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay ilaa 7 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo isugu jira saraakiil iyo askar, halka sidoo kalena weerarkan ka dhacay duleedka degmada Xudur lagu dhaawacay lix askari oo murtadiin ah.
Saraakiisha murtadiinta ah ee lagu dilay howlgalka maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur oo tiradoodu tahay 2 sarkaal ayaan magacyadooda helnay, waxayna kala yihiin Maxamuud Jiis oo ahaa taliye koox iyo Maxamed Fooqa oo ahaa taliye Unug, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerarkan kusoo qaniimeysteen 5 qori AK47 ah iyo hal qori oo PKM ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay oo toos ah ku ekeeyeen saldhig ciidan oo ay maleeshiyada Riddada ku leeyihiin Buundada degmada Jannaale ee Sh/hoose iyo xerada murtadiinta ee deegaanka Bur-jeed ee duleedka magaalada Baydhaba ee wilaayada Baay.