
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Jubbada hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan maleeshiyada Riddada, kuwaas oo ku socdaalayay nawaaxiga deegaanka Baar-sanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Howlgalka qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la hubiyay ku dhintay ilaa 11 askari oo murtadiin ah oo ay ku jiraan laba sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray ismaaciil ganeey iyo cali Aar, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay siddeed murtad, waxaana sidoo kale howlgalka lagu gubtay gaari Cabdibile ah.
Dhanka Baay, waxay ciidamada qarax la beegsadeen guri uu magaalada Baydhaba ka dagan yahay Maxamed Sheekh Ceerow oo ka tirsan Xildhibaanada kooxda Riddada Soomaaliya, waxaana soo gaaray guriga qaraxa ka dhacay burbur xooggan.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyada murtadiinta ee deegaanka Barujeed ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba.