Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Bakool waxay saaka oo khamiis ah weerar kamiin culus u dhigeen kolonyo maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ashahaada la dirir ah ka waday duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Howlgalkan qorsheysan ee kamiinka ah waxaa Allaah fadligiis lagu dilay 7 xubnood oo murtadiin oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiil ciidan, halka lagu dhaawacay 14 kale oo sarkaal uu ku jiro, waxay sidoo kale mujaahidiintu goobta ku gubeen gaari Cabdibile ah oo qori Dhashiike ah uu ku rakiban yahay, goobta weerarku ku qabsaday ayayna uga carareen gaariga gubtay.
Dhanka Sh/dhexe, waxay ciidamada mujaahidiinta howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha magaalada Balcad, kaasi oo lala eegtay sarkaal iyo askar, qaraxan waxaa ku dhaawacmay Taliyaha Booliiska Riddada ee degmafa Balcad murtad Xusseen Macalin iyo askari ka mid ah ilaaladisia.