Wararka ka imaanaya Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya waxey sheegayaan in Saacadihii lasoo dhaafay Toogasho ka dhacday Gudaha Magaaladaasi.
Toogashadan ayaa loo geystay Labo Sarkaal oo ka tirsan Dowladda Kufaarta Xabashida Itoobiya, waxeyna Toogashada sigaar ah kaga dhacay Xarunta Hey’adda Tirikoobka Dowladda Itoobiya.
Askari ilaalo ka ahaa Xarunta Ayaa Toogasho ku dilay Labo Sarkaal oo mid ka mid ah uu ahaa Taliyihiisa halka Sarkaalka kalane uu ahaa Mid Booliska Ka Tirsan, Iyadoona Toogashada ay timid kadib markii ay murmureen Askariga iyo Labada Sarkaal ee Toogashada uu ku dilay.
Toogashada ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee lagu dilay Labada Sarkaal ayaa kusoo aadeysa Xiili Xaalad cakiran ay ka jirto gudaha dalka Itoobiya waxaana xusid mudan in Labo Bil ka hor Toogasha ka dhacday Magaalada Addis Ababa Lagu dilay taliyahii guud ee ciidamada Xabashida Itoobiya sidoo kalane Afgambi dhicisoobay oo xilligaasi ka dhacay Gobalka Amxaarada waxaa lagu dilay Madaxweynihii Maamulka Abey Ahmed ugu magacaaban Gobalkaasi.