Wararka ka imanaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya maleeshiyaad hubaysan oo weerar qorshaysan ku khaarajiyey saraakiil ka tirsan maamulka Addis Ababa ee gar-wadeenka uu ka yahay Gaal Abiy Axmed.
Mid ka mida weerarradan oo maalmo ka hor ka dhacay magaalada Debre Birhan ee deegaanka Amxaarada ayaa lagu khaarajiyey guddoomiyahii Guddiga Joogtada ah ee maaliyadda ee maamulka magaaladaasi, oo ah magaalo-madaxda gobolka Waqooyiga Shewa.
Sida wararku tibaaxayaan, guddoomiyaha oo lagu beegsaday agagaarka hoygii uu ka deggenaa magaalada Debre Birhan ayaa lagu soo warramayaa in isla goobtaasi uu ku qur-baxay, iyadoo ilaa hadda aan la xaqiijin ciddii ka dambaysay falkaasi.
War-murtiyeed kasoo baxay Maamulka Magaalada Debre Birhan ayaa lagu xaqiijiyay geerida mas’uulkaasi, inkastoo aan la carabaabin cidda weerarka gaysatay amaba ku lug-lahayd iyo sababta sarkaalkaasi loo dilayba.
Dilkan ayaa imanaya iyadoo ku dhawaad toban cisho ka hor sidan oo kale maleeshiyaad aan heybtooda la aqoonsan ay dhegta dhiigga u dareen Kabtan Xuseen Bashiir, oo ahaa madaxa Xafiiska Nabadda iyo Amniga ee Degmada Argoba oo hoostagta isla gobolkan waqooyiga Shawa ee deggaanka Amxaarada.
Kooxahan dilalka qorshaysan fulinaya oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Jabhadda u dhaqdhaqaaqda Amxaarada ee Fano ayaa xoojiyey mowjado weerarro iyo dilal qorshaysan isugu jira oo muddooyinkan dambe lagu ugaarsanayay saraakiisha deggaanka Amxaarada ugu magacaaban dawladda Saliibiyadda ah ee Xabashida Itoobiya.