Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka Riddada, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay 2 sarkaal oo lagu kala magacaabo Galad iyo Sheebo.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah weeraro qorsheysan oo ciidanka mujaahidiintu ku ugaarsanayaan saraakiisha ciidanka kooxda Riddada Soomaaliya iyo masuuliyiinta Riddada ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, taasi oo maalmihii u dambeeyay marti-gelisay qaraxyo iyo kuwa iqtiyaalaad ah, maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada mujaahidiintu gudaha degmada Wadajir ku toogteen sarkaal laba Xidigle ah oo ka tirsan maleeshiyada Riddada kaas oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Siicow, waxaana sarkaalkaasi soo gaaray dhaawac garaab ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta howlgal qorsheysan oo qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Buulaburte ee wilaayada Hiiraan, kaasi oo lala beegsaday maleeshiyo ka tirsan sirdoonka kooxda Riddada, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah.