Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey howlgalo qorsheysan ka kala fuliyeen degmooyinka Dharkenley iyo Afgooye oo ka kala tirsan Wilaayaatka Banaadir iyo Sh/hoose.
Howlgalka hore waxey ka fuliyeen kasoo horjeedka saldhig Galbeed ee degmada Dharkenley waxeyna ku dileen Labo sarkaal oo ka wada tirsanaa dowlada Ridada federaalka.
Labada sarkaal ee lagu dilay Dharkenley ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Cusmaan Cali iyo Xuseen Cabaas, Waxaana mid ka mid ah labadaas sarkaal laga furtay biskoolad uu ku hubeysnaa.
Howlgalka Labaad waxa uu ka dhacay gudaha degmada Afgooye waxeyna Mujaahidiintu ku dileen sarkaal ka tirsanaa maamulka Ridada ugu magacaaban degmada Afgooye kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Gureey.
Saraakiishan lagu kala dilay Muqdisho iyo Afgooye waxey kusoo aadayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen Xerada Makuudo ee magaalada Baydhabo halkaasi oo saldhig u ah maleeshiyaatka Ridada.
Calamada.com