Faahfaahin ayaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay isgoyska KM5 ee degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca aysan xabaddu karin ah waxaana lahaa saraakiil katirsan dowladda Turkiga gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, Al Shabaab waxay sheegtay in ay ku beegsatay saraakiil Turkish ah oo qeyb ka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay.
“Mujaahidiinta ayaa qarax Muqdisho ka dhacay ku dhaawacay sedax sarkaal oo Turki ah iyo mid soomaali ah oo la shaqeynayay” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladaha Cadowga Ah ee sida tooska ah iyo sida dadban Duulaanka Shareeco la dirirka ah kusoo qaaday Dalka Muslimka ee Somalia.