Sarkaal ka tirsan Booliiska kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa iska casilay xil uu ka hayay maleeshiyadaasi, markii uu xoogeystay isqabqabsiga madaxda iyo saraakiisha kooxdaasi ee ku aaddan ka ganacsiga maandooriyaha.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa lasoo wariyay in uu iscasilay taliyaha Booliska Riddada ugu magacownaa dekadda magaalada Muqdisho, murtadka lagu magacaabo Axmed Khadar.
Sarkaalkan ayaa lasoo wariyay in uu isku casilay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo taliyaha booliiska murtadiinta murtad Asad Diyaano oo ku aaddan ka ganacsiga maandooriyaha.
Wararka ayaa sheegaya in uu Taliyaha Booliiska Riddada uu sarkaalkan amar ku siiyay in uu fasaxo oo magaalada caasimadda ah soo geliyo sadex shixnad oo maandooriye ah, isagana uu ka biya diiday in uu fuliyo amarkaasi sida la sheegayo.
Iscasilaadda sarkaalkan waxay muujinaysaa heerka uu gaaray khilaafka ka dhex taagan saraakiisha iyo madaxda kooxda Riddada, kaasi oo ka dhashay ka ganacsiga maandooriyaha ee ay dalka soo geliyaan, taasoo dhibaato aad u xooggan ku haysa dadka Soomaaliyeed ee kunool magaalooyinka cadowgu haysto.