Murtad Aadan Dhafoorrey oo kooxda Riddada Soomaaliya ugu magacaaban taliyaha Booliiska gobolka Gedo, ayaa magaalada Baladxaawo ka billaabay abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo murtad Axmed Madoobe.
Dhafoorrey, ayaa maleeshiyaadka maqan ugu baaqay inay dib usoo laabtaan, dagaal na u diyaar garoobaan, isaga oo intaas ku daray in amar lagu siiyay in ay diyaar garow dagaal galaan.
Wuxuu intaas ku daray inay fasax u qabaan inay xuduud-beenaadyada ka tallaabaan oo ka daba tagaan maleeshiyada Riddada Jubbaland haddii uu dagaal dhaco.
Abaabulka ciidan ee kooxda Riddadu ka billowday gobolka Gedo, ayaa kusoo beegmaya xilli murtad Gurguurte uu dhowaan awood millatari ku qabsaday maamulka Koonfur-galbeed oo hoggaankiisu ka hor-yimid doorashooyinka ay wadato Villa Somalia.