Inta la hubiyay ugu yaraan saddex sarkaal oo Booliiska Kenya ka tirsan, ayaa la dhaawacay kaddib markii nin ay ku sheegeen in uu eedeysane yahay uu weeraray saraakiishaasi.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Joyland ee magaalada Makutano ee dhacda ismaamulka galbeedka Pokot, wuxuuna yimid ka dib markii saraakiisha Booliiska ay tageen goob loogu sheegay in uu ku sugan yahay qof eedeysane ah.
Qofka weerarka gaystay ayaa la sheegay in uu mindi ku dhuftay saddexda sarkaal, waxaana la geeyay saraakiishaasi xarun caafimaad, mid ka mid ah oo dhaawiciisu daran yahay ayaa weli cisbitaalka ku jira, halka labada kalena laga saaray sida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya sheegeen.
Ninka weerarka gaystay ayay warbaahinta Kenya sheegtay in xabsiga loo dhaadhiciyay, Kenya waxay ka mid tahay dalalka ugu amniga xun bariga Africa.