Oscar Hatungimana oo ah taliyaha ciidanka dowladda saliibiyadda ah ee Burundi ee Soomaaliya ayaa socdaal ku maray sladhigyada ciidanka Burundi ay ku leeyihiin dalka isaga oo cabsi ka muujiyay weeraro xooggan oo uga yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid lagu kormeerayay saldhigyada ciidanka Burundi ee qeybta ka ah isbihaysiga kuffaarta Afrikaanta, isagoo fariin digniin ah gaarsiiyay askarta kasocda dowladiisa.
Gaal Oscar Hatungimana ayaa saraakiisha iyo askartya ciidanka waxa uu amar ku siiyay in ay ka feejignaadaan weeraro laayaan ah oo kaga yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Dowladda saliibiyada ah ee Burundi ayaa ka cabsi qabta in ciidankeeda ay la kulmaan weeraro cagmarinio ah oo kaga yimaada ciidamada mujaahidiinta, iyadoo mudooyinkii dambe ay aad usii kordhayeen howlgaallada ay fulinayaan mujaahidiinta.
Maalinkii jimcaha aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii ciidamada mujaahidiintu ay weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhig ciidamada saliibiyiinta Uganda iyo iyo kuwa Riddad ay ku lahaayeen deegaanka Sabiid.
Ciidanka saliibiyiinta Burundi ayaa dhowr jeer dharbaaxooyin adag kala kulmay ciidamada mujaahidiinta, waxaana dhacay weeraro looga laayay boqollaal askar oo ka dhacay Banaadir, Shabeellada-hoose iyo Shabeellada-dhexe.