Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in weerar qorsheysan uu ka dhacay duleedka degmadaas.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka iyo kuwa maamul gobaleedka galmudug.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Ceeldheere iyo degmada Dhuusa mareeb waxa uu weerarkan sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo murtadiinta soo gaartay.
Inta la xaqiijiyay waxaa kamiinkaas lagu dilay Todoba murtad oo uu ku jira sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdulle madax yareey kaasi oo ahaa taliyihii maleeshiyaatka macaawiisleyda.
Sidoo kale waxaa weerarkaas dhabba galka ah lagu dhaawacay Sideed askari oo isugu jirta shan gorgor ah iyo saddex milatari ah.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dhowr jeer weeraro ceynkaan ah ka fuliyeen wadada dheer ee isku xirta degmooyinka dhuusa mareeb iyo guriceel ee wilaayada galgaduud.
Calamada.com