Howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen tuulada Waraabaale oo dhacda duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose, ayaa lagu khaarajiyay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Ibraahim oo ku magacdheeraa kuusow, kaas oo ahaa sarkaal ciidan oo ka tirsanaa maleeshiyada Riddada ee lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxaa murtadkan sidoo kale laga furtay Baastoolad uu ku hubeysnaa.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay galabta duqeeyeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee Hiilweyne oo kuyaal waddada u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, tirada horudhaca ah ee dhimashada murtadiinta waa laba askari, halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax kale la beegsadeen gaari Cabdi bile ah oo ay wateen maleeshiyada Riddada, waxaana baabuurkaasi la beegsaday xili uu marayay inta u dhaxeysa Siinka dheer iyo Tareedishe duleedka Muqdisho.
Howlgalkan qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay ugu yaraan 4 murtad, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo uu ku jiro sarkaal taliye Urur ah oo lagu magacaabo Axmad Siyaad.