Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen Xaafadda Mucalim Nuur ee Degmada Hodan ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Ridada Federaalka.
Sarkaalkan oo ahaa Labo Xidigle ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Aadam Yacquub kaasi oo ahaa Sarkaal ka tirsan Hey’adda Ashahaado la dirirka Nabadsugidda Dowladda Ridada Federaalka.
Sarkaalkan ayaa ahaa mid si aad ah ay ugu dhib qabeen Shacabka ku dhaqan Xaafadaha kala duwan ee Degmada Hodan ee Magaaladan Muqdisho.
Dilka Sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen howlgalada ay ku dilayaan Saraakiisha ka tirsan Dowladda Federaalka ee ay ka fulinayaan gudaha Magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.