Samuel Nsubuga oo ah sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dowlada Yugaandha ee qeybta ka ah isbahaysiga AUSSOM ayaa sheegay in urur gaaleedka Q.Midoobay iyo midowga Yurub ay ku guuldarraysteen dejinta qorshe damaanad qaad buuxa siinaya dhaqaalaha lagu maareynayo ciidamada afrikaanta ee dhowaan shaatiga loo bedelay.
Madaxii hore ee sirdoonka isbahaysiga kufaarta afrikaanta islamarkaana kamid noqday saraakiisha ugu sarraysa ciidanka UPDF ayaa ku eedeeyay reergalbeedka in ay ka caga jiidayaal in ay si dhaqsiyo ah ubixiyaan dhaqaalaha ay ubaahanyihiin ciidamada gaalada afrikaanta ee duullaanka ku jooga dalka.
“Midowga Yurub iyo qaramada midoobay haddii ay maalgelin waayaan howlgalka nabad ilaalinta afrika ee soomaaliya waxay ubadantahay in dagaalyahannada Xarakada alshabaab ay muqdisho ku qabsan doonaan ugu badnaan lix isbuuc”ayuu yiri gaal Samiweel Nasuubga.
Wuxuu intaas ku daraya in askarta iyo saraakiisha kufaarta Afrikaanta ee Soomaaliya ku sugan ay hadda wajahaan xaalado liita oo ka dhashay maalgelin la’aanta.
Falanqeeyaasha ayaa aamisan in howlgalka cusub ee AUSSOM uu noqday midkii ugu liitay ee soo mara midowga afrika marka loo eego caqabadha dhaqaale ee ku horgudban iyo khilaafka siyaasadeed ee uu wajahayo.