Maleeshiyo hubeysan ayaa toogasho ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Galmudug, kaasi oo ku socdaalayay waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balanballe iyo Caabudwaaq ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa soo wariyay in maleeshiyada hubeysan ay jidka u galeen gaari uu watay taliyihii ilaalada gaarka ah ee madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Galmudug, waxaana sarkaalkaan la dilay magaciisa lagu sheegay Sade Daahir Caanood.
Weerarka ayaa lasoo wariyay in uu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Ceelasha oo dhacda wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Balanballe iyo Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, waxay sidoo kale maleeshiyadu weerarka ku dhaawaceen qof kale oo la socday sarkaalka la dilay.
Dhacdada weerarka ah ee lagu dilay taliyihii hore ee ilaalada gaarka ee madaxweyne ku xigeenka maamulka Riddada Galmudug ayaa kusoo beegmaysa xilli dhacdooyin dilal ah ay saacadihii lasoo dhaafay iyo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Riddada ah ee uu madaxa u yahay murtad Qoorqoor.