Mid ka mida saraakiisha maleeshiyaadka madaxtooyada maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee Puntland ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay magaallada Boosaaso.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay C/Khaaliq Maxamuud Faarax ayaa geeriyooday xilli uu uu hawl-gal kaga jiray magaallada, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada maamulka Riddada ah ee Puntland.
Bayaankan kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu muujiyey sida ay uga xun tahay geerida ku timid sarkaalkan oo darajadiisa ay ku sheegtay Kabtan.