Ciidamada jihaazka amniga xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal gaar ah ku dileen xubin sare oo ka tirsanaa sirdoonka dowladda Ridada federaalka, kaas oo ka mid noqonaya xubno isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsanaa nabadsugidda Ridada oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Howlgalkan oo ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ku khaarajiyeen sarkaal sare oo ka tirsanaa hayadda sirdoonka iyo nabadsugidda kooxda Ridada Soomaaliya, waxaana sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Sharmaarke.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay warinayaan in sarkaalka la dilay oo ka tirsanaa sirdoonka kooxda Ridada Farmaajo uu si gaar ah uga howlgali jiray xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee ciidamada Shisheeye ku leeyihiin dalka Soomaaliya.
Sharmaarke waxa lagu xusuustaa jariimooyin badan oo uu ka gaystay magaalada Muqdisho intii ka mid ahaa saraakiisha sirdoonka dowaldda federaalka balse ciidamada shabaabul Mujaahidiin oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa sarkaalkan iyo dhibaatooyinka uu ku hayo muslimiinta waxay ugu dambayn Allaah fadligii soo gabgabeeyeen nolasha murtadkaasi oo ahayd mid ku dhisan shisheeye kalkaal iyo shareeco la dirir.
Dadka sida aadka ah u yaqaan sarkaalkan ka howlgalayay xerada Xalane waxay sheegeen in uu si aad ah u beegsan jiray dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa ay shacaa’irta islaamka ka muuqato.
Waa sarkaalkii labaad oo labo maalin gudohood lagu khaarajiyo magaalada Muqdisho iyo duleekeeda kuwaas oo ka tirsanaa waxa loogu yeero hayadda sirdoonka iyo nabadsugidda Ridada mid waxa uu ahaa Qooreey halka kanna lagu magacaabi jiray Sharmaarke waxaa sidoo kale xubnahan jawaasiista ah ka mid ahaa Buulle oo isna saacado ka hor ay Mujaahidiintu ku dileen halka loo yaqaan tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com