Weeraro isugu jirta Qarax Iyo Dilal Toogasho ah waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka kala fuliyeen Wilaayaatka Shabeelada Hoose Iyo Baay Iyo Bakool.
Weerarka hore oo qarax ah waxa uu ka dhacay Gudaha Magaalada Baydhabo ee Wilaayada Baay Iyo Bakool, Iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay Bar Controol oo Maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen Magaalada, Waxaa qaraxa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay Sarkaal ka tirsan Dowladda Ridada Federaalka.
Dhanka Duleedka Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada Hoose waxey Ciidamada Mujaahidiinta Howgal qorsheysan ka fuliyeen Deegaanka Zabiid waxeyna ku dileen Saddex askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sidoo kale horay usoo qaatay oo Ganiimeystay Saddex-dii Qori ee ay ku hubeysnaayeen Saddex-daasi Askari.
Calamada.com