Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal gaar ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kaasi oo lagu beegsaday sarkaal ka tirsanaa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle.
Howlgalka gaarka ah ayaa Allah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana goobta lagu dilay murtad Maxamed Gaalib oo ahaa sarkaal ka tirsanaa maamulka Riddada ee Hirshabelle, weerarka kaddib raggii mujaahidiinta ahaa ee howlgalka qorsheysan fuliyay ayaa si nabad galyo ah goobta uga dhaqaaqay.
Dhanka kale, waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaallo culus oo maanta dib uga qarxay duleedka degmada Moqokori ee dhacda bariga wilaayada Hiiraan, halkaas oo khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Riddada.
Dagaalladu waxay ahaayeen kuwa tiroba dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, waxayna dhimashadu hadda gaartay 10 askari oo murtadiin ah, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 30 kale oo murtadiin ah.