Howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose, ayaa waxaa lagu dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Mad-garaar, kaasoo ka tirsanaa saraakiisha kooxda Riddada ugu magacaaban Afgooye.
Dhanka kale, waxay ciidanka mujaahidiintu howlgal qarax ah oo culus la eegteen fariisin maleeshiyo murtadiin ah ay kaga sugnaayeen xaafadda Buundaweyn ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo murtadiinta soo gaartay.
Howlgalladan ka kala dhacay wilaayaadka Sh/hoose iyo Hiiraan, ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qorsheysan oo ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay askari murtad ah oo ka tirsanaa sirdoonka kooxda Riddada, halka lagu dhaawacay 2 kale, laguna soo qaniimeystay hal qori iyo laba boosh.