Iska hor’imaad culus oo u dhaxeeyay maleeshiyo ka wada tirsan murtadiinta ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhaawacmeen dad uu ku jiro sarkaal ka tirsan murtadiinta.
Dagaalka ayaa socday muddo kooban, waxaana uu dhexmaray maleeshiyaad kala taabacsan millatariga Riddada iyo kuwa Booliiska oo isku qabtay dhisme lagu waday in laga sameeyo magaaladaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor’imaadkan dhexmaray maleeshiyada Riddada ku dhaawacmay sarkaal tabobare ah oo ka tirsan ciidanka Booliiska Riddada, oo magaciisa lagu sheegay Dhaqane C/llaahi Wehliye oo loo garan og-yahay Xiirane.
Sidoo kale waxaa iska hor’imaadkan ku dhaawacmay qof rayid ah oo ay ku dhacday mid ka mid ah rassaasta ay is dhaafsanayeen maleeshiyaadka ku dagaallamay Beledweyne.