Sarkaal ka tirsan mucaaradka dowladda Kenya, ayaa lagu afduubtay gudaha dalkaasi, kadib markii uu isqabqabsi dhexmaray madaxweynaha Kenya, William Ruto iyo ku xigeenkiisii hore, Rigathi Gachagua, haddana ah hoggaamiyaha xisbiga uu ka tirsan yahay siyaasiga la xiray.
Stanley Kimure, oo ah agaasimaha xisbiga DCP, ee mucaaradka ah, ayaa la sheegay in lagu afduubtay deegaanka Rironi, Ndegwa Njiru oo ah qareen taageersan hoggaamiyaha xisbiga DCP, ayaa xaqiijiyay afduubka lagula kacay sarkaalkaasi.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya, waxay sheegtay in marka uu afduubka dhacayay uu Kimure la socday xildhibaan lagu magacaabo Mark Muriithi Mwenje, afduubka ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari noociisu yahay Subaru Forester.
Waxay wararku intaas ku darayaan in xildhibaanka dhacdada goob joogga u ahaa uu isla markiiba daba gal ku sameeyay gaariga, wuxuuna sheegay in uu marayay waddo lagu magacaabo Limuru, wallow aan ilaa iyo hadda la helin faahfaahin ku aaddan cidda ka dambeysay afduubka iyo sidoo kale halka lala aaday.
Afduubka masuulkan ka tirsan xisbiga madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kenya, ayaa kusoo beegmay kaddib markii goob fagaare ah oo ay ku kulmeen uu isqabqabsi siyaasadeed ku dhexmaray, William Ruto oo ah madaxweynaha Kenya iyo Rigathi Gachagua oo ah hoggaamiyaha xisbiga DCP, waxayna isu jeediyeen weeraro afka ah.