Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan Kuffaarta Afrikaanta, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Howlgalka qaraxa ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana ku dhintay hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Kuffaarta Yugaandha oo miino baare ahaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa laba askari oo ka tirsan isla Kuffaarta Yugaandha.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus oo madaafiic ah ku garaaceen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee Baru-jeed ee duleedka magaalada Baydhaba, waxaana howlgalkaasi ku dhaawacmay ilaa 14 askari oo murtadiin ah.
Dhanka Banaadir, ciidamada mujaahidiintu waxay qarax ka fuliyeen deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaad murtadiin ah gaar ahaan kuwa sirdoonka, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 3 askari oo murtadiin ah.