Beesha Biyamaal ee degta wilaayada Sh/hoose ayaa suldaan cusub ku dooratay munaasabad aad u heer sarreysay oo ka dhacday magaalada Kurtunwaarrey ee wilaayadaasi.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay wufuud kala duwan oo ka kala timid dhamaan gobollada Koofureed ee dalka oo ay kamid yahay magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa goob joog ahaa culimada iyo waxgaradka qabaa’ilka kale ee gobolka, ganacsatada iyo dad ka socda qeybaha bulshada gobolka.
Beesha ayaa isku raacday inuu hogaamiyo Suldaan Abuukar Xassan Gurey oo ah nin ku suntan aqoon diineed, karti iyo waaya-aragnimo dhanka dhaqanka iyo sooyaalka beesha ah, doorashadiisa iyo caleema-saarkiisa kaddib waxaa magaalada ka dhacay dabaal-deg iyadoo suldaanka lagu wareejiyay waddooyinka iyadoo kor loo sido.
Waaliga Sh/hoose oo munaasabadda goob joog ahaa ayaa suldaanka haddiyad uga dhigay qori cusub oo AK47 ah iyo booshkiisa, wuxuuna u rajeeyay inuu noqdo nin beesha ku hoggaamiyo wanaaggii lagu yaqiinnay ee diin jacaylka iyo gumeysi nacaybka ahaa.
Sidoo kale waxgaradka iyo salaadiintii martida ku ahaa munaasabadda ayaa beesha ugu baaqay iney isku duubnaato, dowrkii lagu yaqaanayna ay ka qaadato halganka jihaadka ah ee dalka ka socda. Ugu dambeyn Suldaanka la doortay ayaa dhankiisa wacad ku maray inuu beeshiisa maslaxadeeda ka shaqeynayo, mar walbana uu u taagnaan doono sidii uu horseed ugu noqon lahaa waddada khayrka.
Munaasabadda waxaa lagu cambaareeyay ciidamada saliibiyiinta ee haysta dhul-beereed badan oo gobolka ah oo uu ku jiro dhulka ay degto beesha Biyamaal.
Hoos ka daawo sawirrada caleema-saarka suldaanka.
