Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa, ayaa sheegaya in dab xoog leh la qabadsiiyay dukaan ganacsi oo ay leeyihiin dhalinyaro Soomaaliyeed, kaasoo kuyiillay xaafadda Manenberg ee ka tirsan magalada cape town ee waddanka South Africa.
Ilo wareedyo ku sugan dalkaasi ayaa sheegay in dabka uu gaystay khasaare baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, ilo kale ayaa soo sheegay in dabka lala xiriirinayo laba qof oo lagu tuhmayo inay dabkaasi si bareer ah u kiciyeen.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in xilliga uu dabku kacayay ay labada qof ee Soomaalida ah jiifeen dukaanka gubanaya, mid ka mid ah dhalinyaradana uu soo kacay, lana kulmay dabka la qabadsiiyay dukaankaas, ninka kale ee jiifay ayuu isku dayay in uu jiciyo sida uu soo sheegay qofka goobjoogaha, balse labadooduba dabka ayaa saameeyay oo way dhaceen.
Maxamed Baraale ayaa la xaqiijiyay in uu dabka ku dhinta, halka kan labaad oo aan haybtiisa la aqoonsan uu si daran u gubtay, dhaawiciisa la dhigay mid ka mid ah cisbitaallada kuyaal magaalada Cape Town sida ay soo sheegeen dadka Soomaaliyeed ee waddanka ku dhaqan.
Sawirro lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa muujinayay dukaanka oo gabi ahaanba basbeelay, dabka ayaa ku fiday dhismeyaal kale, inkastoo uu baabi’iyay dukaanka uu lahaa ninka dhintay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.