Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa Saaka aroortii dagaal culus ku qaaday Saldhiga Maleeshiyaatka Maamulka Gaala raaca Isku magacaabay Konfur Galbeed ay ka sameysteen Deegaanka Daynuunaay ee Duleedka Magaalada Baydhabo ee Wilaayada Baay iyo Bakool.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray Saldhiga, Iyadoona Maleeshiyaatka Maamulka Konfur Galbeed ay cagta Fureen una baxsadeen dhanka Baydhabo.
Ilaa iyo Labo jeer ayeey Maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Konfur Galbeed isku dayeen iney soo rugaal celiyaan waxeyna Dagaal culus kala kulmeen dhanka Mujaahidiinta taasi oo ugu dambeyntii sababtay iney dib u cararaan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay Gacan ku heynta Daynuunaay, waxeyna gacanta ku dhigeen Ganiimo fara badan oo maleeshiyaatka Ridada kaga carareen Saldhiga Deegaanka Daynuunaay.
Sidoo kale tiro ka tirsan Maleeshiyaatka Maamulka Gaala Raaca Konfur Galbeed ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerarkaasi.
Calamada.com