Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey Howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha Magaalada Gaalkacyo Wilaayada Mudug ee Bartamaha Dalka Somalia.
Howlgalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo waxeyna Ciidamada Mujaahidiinta halkaasi ku dileen Sarkaal ka tirsan Maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.
Mas’uulka ka tirsan maamulka Gaala raaca Puntland ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cabdulle oo ku magac dheeraa Xassan Weyne kaasi oo ahaa Madaxii Kastamada Wazaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland.
Sarkaalkan Ciidamada Mujaahidiinta ay ku dileen Waqooyga Gaalkacyo ayaa caan ku ahaa dhibaateynta dadka shacabka ee ku dhaqan Waqooyga Magaaladaasi.
Calamada.com