Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xalay saqdii dhexe dhowr jiho ka weerareen deegaanja Dhicise oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Gaarisa.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada booliska Kenya lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka islamarkaana dab laqabadsiiyay xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Safaricom “Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD ee gummeysiga kujira waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen gulufka Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada Al Shabaab ay soo rarteen wixii yiillay saldhigga ciidamada Booliska ee deegaana Dhicise waxayna halkaas kasoo qaniimeysteen saanado melleteri oo ay ka carareen ciidamada Kenya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in saaka waaberigii hore ay arkayeen dagaalyahannada Al Shabaab oo dab qabadsiinaya xarunta shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ah shirkad ay milkiyadeeda leedahay dowladda Kenya.
Mash allah