Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen fariisinka askarta federaalka ee deegaanka Muki-dheere oo hoostaga degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Dagaal kooban kadib waxey ciidamada Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Muki-dheere, Waxeyna maleeshiyaatka murtadiinta ee ku sugnaa deegaankaas u carareen degmada Balcad.
Dhanka kale waxey ciidamada Mujaahidiintu maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen suuqa jaadka ee degmada hodan ee muqdisho waxeyna ku dileen qorigiina kaga ganiimeysteen askari ka tirsanaa milatariga kooxda ridada soomaalia.
Calamada.com