Shacabka ku dhaqan xaafadda Mirinaayo ee degmda Kaaraan ee caasimadda Muqdisho, ayaa cabasho ka muujiyay boob dhuleed oo ay halkaasi ka waddo kooxda uu hoggaamiyo murtad Gurguurte.
Dadkan oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in lagu war-geliyay in ay ka guuraan guryahooda, waxaana loo sheegay in dhulka ay degganyihiin oo ah mid dan-guud looga barakicinayo saxiixa murtad Xassan Gurguurte, kaasi oo iibsaday dhulalkooda.
Waxay sheegeen in dhulkooda lagu wareejinayo ganacsato iimaan-laaweyaal ah, kuwaas oo dhulka ay u boobtay kooxda Ridada Somalia oo tan iyo markii uu Villa Somalia kusoo laabtay Xassan Sheikh boob aan kala joogsi lahayn ku haysay dhulalka danta-guud iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ee shacabka xoogga looga kiciyo.
Dadkan shacabka ah ee ku dhaqan xaafadda Mirinaayo ayaa ku goodiyay in ay tallaabo qaadi doonaan oo ka hortagi doonaan boobka lagu hayo dhulalka ay degganyihiin.
Muqdisho, dhacdooyinka maalinlaha ah ee ugu wayn waxay sanadadii dambe nodeen dhul-boobka iyo burburinta ay caasimadda waddo kooxda uu madaxa u yahay murtad Gurguurte, Bishii September 2023 ayay xoogeysteen boobka lagu hayo dhulalka, mid ka mid ah dhulalka sannadkaasi saraakiisha ciidanku boobeen ayaa kuyiillay Isgosyka Ex-control Afgooye ee Muqdisho, halkaas oo dadkii lahaa si xoog ah looga kiciyay, xabsina loogu daray.