Kooxda Riddada soomaaliya ayaa weji cusub uyeeshay dhulboobkii ay wadday inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho xilli maalmo ka hor uu caasimadda ka dhacay dagaal uu dhiig badan ku daatay oo ka dhan ah maleeshiyaadka fulinaya mashruuca burcadnimada ah ee lagu boobayo dhulalka dantaguud.
Wararka ka imaanaya xaafadda Soonakay ee degmada Hodon ayaa sheegaya in kooxda Ridada ay bilaawday in ay lacago baad ah duldhigto dhammaan boosaska kuyaal degmada iyadoona burburin loogu goodiyay qoyskii diida in uu lacagahaas baadda ah bixiyo.
Shacabka xaafadda ayaa warbaahinta usheegay in boosaskoodu ay yihiin kuwa qaddiimi ah ayna haystaan sharciyad dhuleed oo ay bixiyeen dowladihii Aadan Cadde iyo Siyaad Barre.
waxay sheegeen in maleeshiyaad murtadiin ah ay tageen guryaha ayna qoys walba ku wargeliyeen in uu bixiyo lacago kumanaan kun oo dollar ah haddii kale uu weyn doono milkiyadda dhulalka.
Arrintan oo ah mid ugub ah ayaa albaaba cusub ufuraysa dhulboobka xarkaha goostay ee ka socda Muqdisho, murtadiinta oo horay ulasoo wareegay dhulalkii danta guud ee shacabku deganaayeen ayaa hadda usoo tafa xeytay dhulalkii sida khaaska ah loo lahaa taas oo ka dhigan in dhammaan boosaska shacabka laduldhigi doono lacago baad ah haddii kale lagala wareegayo oo laga iibinayo ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay.