Waxaa iska soo daba dhacaysa cabashada iyo qayla-dhaanta kasoo yeeraysa shacabka magaalada Mandheera ee dhulka NFD ee ku hoos jira gummeysiga Kenya, taasi oo ku aaddan maleeshiyada maamulka Riddada Jubbaland ee la dejiyay magaaladaasi.
Isku soo bax ay sameeyeen dadka ku nool xaafadda BP1 ee Mandheera ayaa waxay kaga cawdeen maleeshiyaadka maamulka Ridada Axmed Madoobe ee soo degay xaafaddooda, waxay sheegeen inay jareen isku socodka dadka ee xaafadda, sidoo kalena degeen beeraha magaalada.
Sidoo kale waxay sheegeen in maleeshiyadan ay dhibaatooyin badan kusoo kordhiyeen magaalada, sida inay xabbado aan loo meel dayin kusoo ridaan dadka shacabka ee deggan xaafadda, waxay qaarkood sheegeen in muddo bil ka badan ay ka maqanyihiin guryahooda.
Tan iyo markii maleeshiyadan ay soo degeen xaafadda BP1 ayay dadka isku soo baxa sameeyay sheegeen inaysan carruurtoodu aadin goobaha waxbarasho, mid ka mid ah haweenka deegaanka ayay sheegeen in ay gallaafatay walxo qarax ah oo maleeshiyadan ay soo galiyeen xaafadda, halka haweenay kalena xarun caafimaad loo dhigay.
Waxay soo jeediyeen in xaafaddooda muddo 8 saacadadood ah looga saaro maleeshiyada Riddada Axmed Madoobe, haddii ay dowladda kaafiradda ah ee Kenya rari waysana ay gebi ahaanba isaga guuri doonaan guryahooda.