Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Nairobi Oo Shaqo Joojin Sameeyay.
  • Allposts
  • Warar

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Nairobi Oo Shaqo Joojin Sameeyay.

September 11, 2024

Shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa maanta sameeyay shaqo joojin rasmi ah, taasi oo si wayn looga dareemayo guud ahaan waddankaasi.

Kenya Airways ayaa maanta shaacisay in shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyata, ay sababtay dib u dhac wayn oo ku yimid duulimaadyada iyo in la baajiyo rakaabka ka dhoofaya waddankaasi iyo kuwa kasoo degaya.

Muuqaallo lagu baahiyay barta X ayaa muujinayay boqollaal rakaab ah oo safaf ugu jira terminalka garoonka caalamiga ah, kaddib markii shaqo joojintu dhaqan gashay saqdii dhexe ee xalay.

Tobannaan ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa saaka isku soo bax sameeyay, si ay uga dhiidhiyaan heshiiska dowladda, waxayna ku dhawaaqayeen “Adani waa in uu baxaa”, waxaa nuqulka muuqaalkan baahiyay teleefishanka maxaliga ah ee lagu magacaabo Citizen.

Ciidamo boolis ayaa la arkayay iyaga oo isku dayaya inay is taag ku sameeyaan shaqaalaha dibadbaxa dhigaya, waxaana lasoo wariyay in ciidamada booliska ay xireen qaar ka mid ah shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha ee caasimadda Kenya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii shaqaalaha madaarka caalamiga ah ee Nayroobi ay ka biya diideen heshiis ay dowlada ku eedeeyeen oo garoonka loogu wareejinayo shirkad lagu magacaabo (Indian Adani Airport Holdings), oo ah shirkad gaar ah oo laga leeyahay waddanka Hindiya.

Shaqaalaha garoonka ayaa ka carooday qorshaha dowladda Kenya ay ku doonayso inay ku wareejiso maamulka garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Kenya ee Jomo Kenyatta, qorshaha xukuumada uu madaxa ka yahay Ruto ayaa lagu sheegay in uu yahay in shirkadda Hindiya laga leeyahay garoonka laga kireeyo muddo 30 sano ah, iyaga oo ku andacoonaya inay ballaariso oo ay horumariso, balse go’aanka dowlada William Tuto ayaa la kulmaya diidmo xoogan iyo in dhaqdhaqaaqyadii duulimaad uu maanta si rasmi ah u joogsado.

Shaqaalaha ka howlgala garoonka ayaa sheegay in heshiiskaasi oo lagu dhawaaqay bishii July uu horseedi doono shaqo la’aan soo wajahdo shaqaalaha Kenyaanka ah iyo in madaarka laga howlgaliyo oo la keeno shaqaale aan Kenyan ahayn.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa Isniintii lasoo dhaafay si ku meel gaar ah u hor istaagtay soo jeedinta dowladda ee ah in shirkadda Adani ee laga leeyahay Hindiya muddo 30 sano ah lagu wareejiyo maamulka garoonka caalamiga ah ee Jooma Kenyaatta.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Axmed Karaash Oo Ka Hor-yimid Heshiis Kooxda Gurguurte Ku Xaraashatay Shidaalka.
Next: 11 kii September: Maxay Muslimiintu Naceyb Ugu Qabaan Mareykanka? Filo Filim Dokumentari Ah.

Related Stories

Hubka Aan Kugu Rido Haddu Qarxi Waayo iisoo Celi. Waa Sheeko Yaab Leh!
  • Allposts
  • Warar

Hubka Aan Kugu Rido Haddu Qarxi Waayo iisoo Celi. Waa Sheeko Yaab Leh!

December 1, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-06-1447-Hijri.

December 1, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.

November 30, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)

November 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada